Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamanka DFS oo ka jawaabay Qoraalkii Muudeey
March 25, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka JFS Mahad C/lla Cawad ayaa warmurtiyeed ka soo saaray caawa qoraalkii maanta kasoo baxay xafiiska guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey kaas oo lagu shaaciyey wakhtiga laga doodayo mooshinka laga keenay Gudoomiyaha baarlamaanka DFS Mr. Jawaari.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka JFS Mahad C/lla Cawad ayaa warmurtiyeedka uu soo saaray ku sheegay in C/weli Muudeey aanu ahayn ku-sime guddoomiye, isla markaana aanu xaq u lahayn inuu isugu yeero xildhibaannada baarlamaanka, isaga oo caddeymo u soo qaatay Dastuurka JFS iyo Xeer hoosaadka baarlamaanka DFS.
Hoos ka Akhriso Warmurtiyeed uu caawa soo saaray Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka JFS Mahad C/lla Cawad
no images were found
A/Cawale
Halgan.net