Wafti ka socda safaaradda Sacuudiga ee wadanka Jabuuti oo gaaray Garoowe.[Masawiro]
March 10, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Wafti ka socda safaaradda Sacuudiga ee wadanka Jabuuti oo uu ka mid yahay qunsul xigeenka iyo wakiilka Arrimaha Diinta ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Waftigan oo marti u ahaa Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha diinta iyo dhaqacelinta Puntland ayaa socdaalkooda waxaa uu ku qotomay dhagax dhiga dhismaha kulyad lagu baranaayo cilmiga diiniga ah oo ilaa heer jaamacadeed gaarsiisan ayna ka wada faa’iidaysanayaan ragga iyo dumarka.
Kulan ay la qaateen madaxda Puntland oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada, ku xigeen kiisa iyo Xildhibaano ayay ka wada hadleen xiriirka dhanka arrimaha diinta iyo waxbarashada.
Waaiirka Cadaaladda Dowladda Puntland waxaa uu sheegay inay muhiim u tahay dhisamaha kulyadaan ayna wax badan ka badali doonto barashada Diinta. Wasaaradda Cadaaladda Puntland waxaa ka go’an mar walba horumarinta garsoorka iyo arrinaha Diinta oo ay wakiil oga tahay Dowladda.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net