Wasiirka Cadaaladda Dowladda Puntland oo la kulmay Wafti ka socday safaaradda Norway.[Masawiro]
March 13, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Cadaaladda Dowladda Puntland oo ay weheliso Wasiirka Haweenka ayaa kulan la qaatay maanta wafti ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya. Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen hay’ado ay ka mid ahaayeen Save the Children, Care International iyo NCA ayaa waxaa looga hadlaayay ka hortaga tacadiyada haweenka iyo dhaqan gelinta xeerka kufsiga oo ay ka wada shaqeeyaan labada Wasaaradood.
Wasiirka Cadaaladda waxaa uu ka hadlay heerka ay puntland ka joogto tacaddiyada loo gaysto haweenka cid walba oo lagu helo danbiyadaasna la marsiiyo sharciga Wadanka qof ka sarreeyaana uu jirin.
no images were found
“Wasaaradda Cadaaladda waxaa ka go’an mar walba dabagalka dhaqangelinta sharciyada ay samayso si aan u ilaalinno xuquuqda aadanaha ee dadwaynaha reer Puntland” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntalnd Saalax Xabiib Jaamac.
M_M_Deeq
Halgan.net