Hogaamiyaasha Ethiopia iyo Eretrea oo Kulmay

July 8, 2018 - Written by Editor

Hogaamiyaasha dalaka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay usoo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihi ugu qaraaraa ee soo mara Africa.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Ra’iuslwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna usii kaxeeyay qasriga madaxtooyada.

Kulanka hogaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Ra’isulwasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.

Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax uga bedelayo siyaasadda gudah iyo dibadda ee dalkaasi.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online