Dalada ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo kulan cilmiyeed Ku qabtay Kharduum(Masawiro)
July 29, 2018 - Written by EditorSudan:-27-7-2018 waxa u qabsoontay Dalada ardayda soomaaliyeed ee dalka suudaan muxaarado ay u qabatay ardayda , iyo dhamaanba bulshowaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan suudaan .
Muxaadarada ayaa ciwaankeedu ahaa
عوامل الثبات في الدين عند الفتن ووهن الأمة .
Muxaadarada oo ka dhacaday hoolka shirarka ee jaamacadda africa ayaa waxa soo jeedinayay
1- sheekh cabdiraxiim cabdalla dabar oo marti ku ah waddanka suudaan
2- sheekh cabdalla cabdisamad oo ka mid ah culimada raabidada .
Qaybta kowaad ee muxaadarada oo uu soo jeedinayay sheekh cabdiraxiim ayuu kusoo bandhigay qabka ugu haboon ee diinta loogu sugnaan karo waqtiyada ay jiraan fitnooyinku , iyo sidii looga badbaadi lahaa fitnooyinka casrigan la joogo aadka usoo badanaya .
sheekh cabdalla cabdisamad oo soo jeedinayay qaybta labaad ee muxaadarada ayaa soo gudbiyay dhibaatooyinka naafeeyey umadda islaamka aynu joogno , asbaabaha keenay dhibaatooyinkaasi iyo sidii loo daawayn lahaa .
Geesta kale isku xirka ardayda soomaaliyeed ee sudaan ayaa kulan gaar ah la yeeshay sheekh cabdaraxiim cabdalla dabar xalay oo taariikhdu ahayd 28-7-2018 .
no images were found
kulanka ayaana ka dhacay xafiiska ay raabidadu ku leedahay magaalada khartuum . Kulanka ayaa huwanaa wacdi , waano iyo tusaalayaal nool oo uu sheekhu usoo joognay .
Ugu dambayntiina kulanka ayaa kusoo dhamaaday suaalo iyo jawaabo ay is waydaarsadeen sheekha iyo xubnaha raabidaduba .
Xafiiska warfafinta (k.s )