Dalada ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo kulan cilmiyeed Ku qabtay Kharduum(Masawiro)

July 29, 2018 - Written by Editor
Sudan:-27-7-2018  waxa u qabsoontay Dalada ardayda soomaaliyeed ee dalka suudaan muxaarado ay u qabatay ardayda , iyo dhamaanba bulshowaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan suudaan .
Muxaadarada ayaa ciwaankeedu ahaa 
عوامل الثبات في الدين عند الفتن ووهن الأمة . 
 Muxaadarada oo ka dhacaday hoolka shirarka ee jaamacadda africa ayaa waxa soo jeedinayay 
1- sheekh cabdiraxiim cabdalla dabar oo marti ku ah waddanka suudaan 
2- sheekh cabdalla cabdisamad oo ka mid ah culimada raabidada .
 Qaybta kowaad ee muxaadarada oo uu soo jeedinayay sheekh cabdiraxiim ayuu kusoo bandhigay qabka ugu haboon ee diinta loogu sugnaan karo waqtiyada ay jiraan fitnooyinku , iyo sidii looga badbaadi lahaa fitnooyinka  casrigan la joogo aadka usoo badanaya .
 
 sheekh cabdalla cabdisamad oo soo jeedinayay qaybta labaad ee muxaadarada ayaa soo gudbiyay dhibaatooyinka naafeeyey umadda islaamka  aynu joogno , asbaabaha keenay dhibaatooyinkaasi iyo sidii loo daawayn lahaa .
 

 Geesta kale isku xirka ardayda soomaaliyeed ee sudaan ayaa kulan gaar ah la yeeshay sheekh cabdaraxiim cabdalla dabar xalay oo  taariikhdu  ahayd 28-7-2018  .

kulanka ayaana ka dhacay xafiiska ay raabidadu ku leedahay magaalada khartuum . Kulanka ayaa huwanaa  wacdi , waano iyo tusaalayaal nool oo uu sheekhu usoo joognay .

Ugu dambayntiina kulanka ayaa kusoo dhamaaday suaalo iyo jawaabo ay is waydaarsadeen sheekha iyo xubnaha raabidaduba .
 
Xafiiska warfafinta (k.s )

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online