Madaxweynaha Puntland oo ku soo dhaweeyey Raisulwaaraha JFS Garoowe (Masawiro)

July 29, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo ay tariikhdu tahay 29 July 2018 Caasimadda Dowladda Puntlnad ee Garoowe kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Cederaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo.

Soo dhowoynta Ra’iisul Wasaaraha iyo weftigiisa ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, ciidamada qalabka sida ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka caasimadda Garoowe oo aan u kala hadhin soo dhoweynta Rii’sal Wasaaraha.

Madaxweynha Dowladda Puntland Iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa intaasi kadib lug kusoo maray farsamagaalaha caasimada Puntland iyo barxadda Garoowe, halkaasi oo ay Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaruhu si wada jir ah ugaa hadleen shacab aad u tira badan oo u diyaarsanaa soo dhoweynta Ra’iisal Wasaare Khayre.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn Weftiga Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya kusoo dhoweeyey Puntland, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Puntland qalbiga uga suntan tahay jiritaanka iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed, daliilna ay u tahay soo dhoweynta Madaxdooda.

“Waan idin soo dhoweynayaa dhammaantiin weftiga nooyimid oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, aad baannu ugu faraxsannahay inaad noo timaadaan, waxaad u timid shacabkaagii aad madaxda u ahayd, kuwaas oo muddo ku sugayey runtii, imaatinkiina waa muhiim inaad ku ogaataan xaaladda dalku ku sugan yahay, dhan dhaqaale, mid amni, mid horumar intaba, iyo mid aad feker kaagaba la qayb-satidba,

Waxaan rajaynaynaa inaad hore u sii wadaan hawlaha aad ka shaqaynaysaan oo ah midaynta ummadda Soomaaliyeed, dad kani muddo labaatan iyo dhawrsano ah ayay burbur soo mareen, runtii rajadu aad ayey u fiican tahay, waan u jeednaa iftiinka mustaqbal ee dalka waanna ku hanweynahay inaan gaadhidoonno” ayuu yiri Maddaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa mahad balaadhan u jeediyey shacabka reer Puntland iyo dawladdoodaba soo dhowoynta maqaamka sare leh ee ay ku qaabileen iyo weji furnaanta daacadda ah, taasi oo ku salaysan isir Soomaalinimo, jacayl qaranimo iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Mudane Madaxweyne dhammaan shacabka iyo Madaxda Puntland anigoo ku hadlaaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weftigaan hogaaminayoba waxaan idiinka mahad celinayaa sida diiran oo qadarinta iyo wanaaggu ku dheehan tahay ee ad noogu soo dhoweyseen magaalada Garoowe, shaqabka nootaagna qoraxda Airport ka illaa Madaxweyntooyada waxay ahaayeen shacab Soomaaliyeed, waxay taasi muujinaysaa in dadka reer Puntland ay yihiin dad u bislaaday dawladnimada, jecel dalkoodu inuu hagaago, waxay kaloo muujinaysaa khibradda reer Puntland ay u leeyihiin dawladnimada ayna mudan tahay inteena kale inaan wax ka barano,

halkan waxaan u nimid inaan idinla wadaagno shaqooyinka dalka aannu u hayno, laakiin aan idinka barano khibraddiina, idin dhegaysano, feker wadaagno si aan uga wada tashano aayaha ummadda Soomaaliyeed, soo dhoweyntii maanta waxay aniga igu dhiiri gelinaysaa in dawladnimadii ummadda Soomaaliyeed ay soo dhoweaatay” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ugu danbeyn Weftiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho iyo safar shaqo ku maridoona qaybo ka kamid ah gobolada Puntland, si ay wax uga ogaadaan horumarka, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online