Raisul wasaaraha JFS Xasan Cali Kheyre oo si diiranloogu soo dhaweeyey Garoowe
July 29, 2018 - Written by EditorWafdi ballaaran oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha JFS Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland. waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha labada gole iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo kula duwan waxaa uu la qaadan doonaa madaxda iyo shacabka Puntland.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Puntland waxaana uu booqan doonaa deegaano kala duwan ee Puntland.
Faahfaahinta dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa
C/Casiis Maxamed
Halgan.net