Madaxweynaha Jubbaland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Wakiilka Midowga Afrika
May 21, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida maanta oo talaado ah ku qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.
———-Dhamaaad——