Shirka Wada-tashiga Ee Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha
May 9, 2019 - Written by Editor
Shirka Wada-tashiga Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS oo malintii 5-aad Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ka socda.
Madaxda oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah ayaa ka tashanaya sidii looga midhadhalinlahaa wadaxaajoodka 5-tii maalmood ee u dambeeyey Puntland uga socdey. Shirkan wada-tashiga ah ayaan la nooc ahayn kuwii hore ee ay yeelanjireen Madaxda Soomaaliyeed, Xukuumadda cusub ee Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cadayn u ah Wadiiqada ay u jeexday shirkani muhiim ka ah.
Sidoo kale shirkani wada-tashiga ah ayaa lagu waajahayaa sidii aragti midaysan, mawqif midaysan iyo siyaasad midaysan looga yeelanlahaa horumarka Soomaaliya iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.