Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Maraykanka.
September 22, 2019 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, si ay uga qeyb galaan mareetada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doono madashan kulminaysa Hoggaamiyeyaasha Caalamka, iyada oo meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu sumaday “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada.”
Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade)
DHAMMAAD