Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
September 16, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirada Amniga iyo Gudaha ee DFS Maxamed Abuukar Islow, Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlaamka Soomaaliya iyo dadweyne tiro badan.
Wafdiga Madaxweyne DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf,waxaana socdaalka madaxweynaha uu salka ku hayaa soo afmeerida shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha DFS Maxamed Claahi Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug.
A/Cawale
Halgan.net