Madaxweyne Puntland oo magacaabay Wakiilka Puntland u jooga Dalka Maraykanka.
September 22, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 68, 21 September 2019, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.
Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.
2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.
***DHAMAAD***
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.