Guddiga Doorashooyinka DFS oo laga mamnuucay degaannada Puntland
February 6, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland ayaa sheegaya in wasaarada arimaha Gudaha ee Puntland ay amar ku bixisay in albaabada loo laabo xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ku lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu wargaliyey Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garoowe, laga bilaabo maanta.
Warsaxaafadeedka aaaa waxaa kale oo lagu xusay in dhammaan Guddoomiyaasha gobollada iyo Degmooyinka Puntland, in ilaa iyo amar dambe Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, aysan wax shaqo ah ka qaban Karin Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.
Khilaafka Madaxada dowlada Federaalka iyo Puntland ayaa sii xoogeysanaya ka dib markii ay labada hogaan ku heshiin waayeen arimaha waxbarashada ,iyo qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net