Madaxwaynaha Puntland oo maanta Daah-furay Carwada Ganacsiga[Video]

February 17, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaaladda Boosaaso ka Daah-furay Carwada Ganacsiga Puntland, Carwadan oo ah tii labaad ee nooceeda lagu qabto Puntland waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

Daah-furka Carwada waxaa kasoo Qayb galay Masuuliyiinta Goloyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Boosaaso, Ganacsato, Isimo,Haweeen iyo Qurba Joog,Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Maamulada Dalka Qaar iyo Madax ka socotay Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo khubad ka jeediyay furitaankii Carwada ayaa bogaadiyey Carwada, sida looga soo shaqeeyay iyo dhammaan dadka kasoo qeybgalay, Dowladda Puntland ayaa muhiimad siinaysa kor u qaadista Ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Carwada lagu soo bandhigayo Ganacsiga Puntland ayaa socon doonta muddo shan cisho, mudaddaasi oo dadku si furan ay uga dukaamaysan doonaan.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online