Madaxweynaha JFS oo kulan maamuuseed i fidyey Xog-hayaha Guud ee IGAD
February 18, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayeha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan.
Halgan.net