Madaxweynaha PL oo xil-ka-qaadis ku sameeyay Agaasimaha guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
February 5, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu Magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.
Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dawladda Puntland