Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Oo Daah-furay Dhismeyaal Cusub oo lagu Kordhiyay Xabsiga weyn ee Garoowe.

February 9, 2020 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweyne Ku- xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe, gaar ahaan Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qeybta dumarka ee Xabsiga Garoowe.

Daah-furkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehilinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.