Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin kasocotay Ha’yadda TANA Denmark.

February 5, 2020 - Written by Editor
Garowe:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadi yeynta Puntland oo shir guddoomiyey kulan dhexmaray Wasaaradda, Gudoomiyaasha Degmooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Bosaaso iyo hay’adda TANA Denmark oo qaymayn ku sameynaysa Deeqda Dalka Norway galiso Soomaaliya, khaasatan mashaariicda horumarinta Dowladaha Hoose. Guddoomiyaasha Degmooyinka ayaa ka warbixiyey faa’idooyinka laga dhaxlay mashaariicda horumarinta Degmooyinka gaar ahaan JPLG. Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa dhankeena ka warbixisay muhiimad in mashaariicda horumarinta Dowladaha Hoose lagu balaariyo guud ahaan degmooyinka Puntland si waafaqsan qorshayaasha Horumarinta Degmooyinka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxaa kulanka ku wehlinayey agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

Comments are closed.