Wasiirka Maaliyadda dowada Itoobiya oo gaaray magaalada Hargeysa
February 19, 2020 - Written by EditorWafdi uu horkacayo wasiirka maaaliyadda dowladda Itoobiya, Axmed Shide ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn kadib waxaa la geeyey madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo hadda uu kulan uga socdo, wafdiga wasiirka iyo Madaxweyne Muuse Biixi.
Inkastoo aan weli la shaacin waxa uu ku saabsan yahay socdaalka wafdiga wasiirka ka socda dalka Itoobiya ee Hargeysa gaaray, hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Itoobiya ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa ku cadaadineyso in ay aqbalaan dalabkii Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ahaa, in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay Hargeysa socdaal ku wada yimaadaan.
Booqashada wafdigan ka socda dalka Itoobiya ayaa waxaa uu ku soo aadaya xili shalay Madaxweynaha Somaliland uu diiday in Madaxweyne Farmaajo uu tago magaalada Hargeysa .
A/Cawale
Halgan.net