Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.
March 16, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay xaalada guud ee Amniga, si gaaar ah xaalada Laascaanood iyo garab istaaga Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado Gobolka Sool, dhacdooyinkii iyo waxqabadka todobaadka, dar-dargalinta arrimaha doorashooyinka, Soo bandhigidda qorsha sanadeedka Xukuumada 2023, tayaynta ciidanka Asluubta, furitaanka xabsiga Sanaag iyo horumarinta xabsiyada.
Ugu dambayn Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyay Siyaasadda jaangoynta Mushaharaadka Shaqaalaha.
——DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.