Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay Nabaddoonnada ay argagixisadu ku dileen Masagawaa ee Gobolka Galguduud

April 23, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.
DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online