Madaxweynaha Puntland oo xeer kusoo saaray dhismaha xafiiska arrimaha sharciga ee madaxtooyada, magacaabayna madaxda xafiiskaasi.
April 27, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 27-da April 2023, kuna saabsan dhismaha Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-araginmadooda shaqo
Markuu arkay: Baahidda loo qabo Horumarinta Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa la Aasaasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.
2. Waxaa Maxamuud Xassan Aw Yuusuf loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland
3. Waxaa Nuur Ciise Maxamed loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Dowladda Puntland
4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND