Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey shirkii golaha wasiirada ee Puntland
August 24, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, dhacdooyinka todobaadka, fariisinta Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland iyo wax ka bedelka xeerka Warbaahinta Puntland.
Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax ka bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland, oo lagu soo daray cutubyada kala ah Baraha Bulshada, Wacyigelinta iyo Xayeeysiiska. Wax ka bedelka lagu sameeyay Xeerka Warbaahinta ayaa loo gudbinaya Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.