Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gaaray deegaanka Alkowsar
August 31, 2023 - Written by EditorJowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray Magaalada Alkowsar ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.
Madaxweynaha oo sacdaal dhiirigalin ah ku maraya furimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanada ayaa waxaa bartamaha Magaalada kusoo dhoweeyay Senanator Axmed Maxamed Cali Afcadeey, Waxgarad Magaalada iyo boqolaal dadweyne ah
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada sida diiran ugu soo dhoweeysay Magaalada isagoo ku amaanay sida geesinimada leh ay isaga xoreeyeen kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab iyo garab istaaga ay u muujiyeen qeybaha kala duwan ee Ciidanka.
Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay bulshada ayaa ku dhwaaqay in maanta wixii ka dambeeya Alkowsar ay ka mid tahay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle deg degna loo dhameystir doono adeegyadii muhiimka ahaa sida fulinta mashaariicyada horumarinta.
Madaxweynaha ayaa shacabka Degmada Alkowsar iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baqay inay u soo baxaan dhameystirka haraadiga cadowga alshabaab oo maraya marxaladoodii ugu dambeysay ee looga ciribtirayo dalka.
—–DHAMAAD-—–