Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gaaray deegaanka Alkowsar

August 31, 2023 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray Magaalada Alkowsar ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Madaxweynaha oo sacdaal dhiirigalin ah ku maraya furimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanada ayaa waxaa bartamaha Magaalada kusoo dhoweeyay Senanator Axmed Maxamed Cali Afcadeey, Waxgarad Magaalada iyo boqolaal dadweyne ah

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada sida diiran ugu soo dhoweeysay Magaalada isagoo ku amaanay sida geesinimada leh ay isaga xoreeyeen kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab iyo garab istaaga ay u muujiyeen qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay bulshada ayaa ku dhwaaqay in maanta wixii ka dambeeya Alkowsar ay ka mid tahay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle deg degna loo dhameystir doono adeegyadii muhiimka ahaa sida fulinta mashaariicyada horumarinta.

Madaxweynaha ayaa shacabka Degmada Alkowsar iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baqay inay u soo baxaan dhameystirka haraadiga cadowga alshabaab oo maraya marxaladoodii ugu dambeysay ee looga ciribtirayo dalka.

—–DHAMAAD-—–

Comments are closed.

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online