Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

August 5, 2023 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.

Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online