Madaxweynaha JFS oo gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Galmudug.

August 10, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay.

———DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online