Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

August 12, 2023 - Written by Editor

Dhuusamareeb :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online