Madaxweynaha JFS Xasan Sh oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada .

August 19, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud mudadii uu soo hoggaamiyay xafiiska.

——-DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online