Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay Xafladda 1-da August

August 2, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qeybgalay Xafladda 1-da August ee xuska sanad guurada 25-aad ee aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Shacabweynaha Puntland dal iyo dibad meeshay joogaan, wuxuuna xusay in Puntland Dadkeedu ay dadaal kusoo bixiyeen in ay soo gaarto maanta meesha la joogo iyo horumarka socda .

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Doorashada ay wakhtigeeda ku dhici doonto Iyadoo aysan jirin wax muddo kordhin ah, Laguna tartamayo nidaamka dimuqraadiyadda oo Hadda Puntland ay Doorasho uga dhacday hal qof iyo hal cod 33 degmo.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn midnimada iyo Isku duubnida ay muujiyeen iyo halgankooda taariikhiga ah ee ay ugu dagaalamayaan masiirkooda.

Waxaa munaasabadda Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-geenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada DPL, Golaha Garsoorka, Marwada Koowaad ee Puntland, Goleyaasha Dowladda , Ururada Siyaasada , Qunsuliyada Ethiopia, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, Waxagaradka , Qurbojoog, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

—–DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online