Madaxweynaha Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada
August 10, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Diyaar garowga dhismaha Goleyaasha deegaanka Puntland, Ciyaaraha Gobollada Puntland, Horumarinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Puntland iyo qodobo kale.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Golaha Wasiirada, La-Taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.
——DHAMMAAD—–