SSC-Khaatumo oo si rasmi ah ula wareegay taliska Goojacadde iyo deegaano kale.

August 25, 2023 - Written by Editor

Laascaanood:-Dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC Khatumo ayaa maanta waxay ka dhaceen deeggaanno ka tirsan gobolka Sool waxaana dagaalka xoogiisa uu ka bilaawday dhana bari ee magaaalda laascaanood isaga oo markii danbe ku fiday dhanka galbeed ee magaalada Laascaanood.

Dagaal xoogiisa wuxuu ka dhacay saaka deegaanka Maraaga oo bariga kaga beegan magalada Laascaanood. Sidoo kale dagaallo xooggan uu ku fiday dhamaad deegaanada gobalka Sool taasoo keentay in xoog looga saaro ciidamada Somaliland Taliskii Goojacadde.

Hogaanka sare ee SSC ayaa Bayaan ay soo saareen waxay dagaalka ku eedeeyeen madaxweynha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxayna sheegeen in ilaa guumeys ay qabsadeen ciidanka SSC Khaatumo. Taliska Ciidamada Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in qabteen saraakiil sare iyo hub iyo saanad tiro badan.

Dhanka kale Warmurtiyeed kooban oo ka soo baxay Wasaarada G/dhiga ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada Soomaaliland ay xeelad dagaal uga soo baxeen Taliska Goojacadde ciidanka ay dib isku habeyn ku jiraaan.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2023
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online