๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—ต-๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ

September 13, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay labo mashruuc caafimaad oo kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaas oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada Dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyey, isla markaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda.

โ€œXukuumadda DanQaran waxaa ka goโ€™an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadkaโ€.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.

Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabsi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka.

Labadan mashruuc oo ay fulinayso Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar. Waxa uuna Raโ€™iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay in lagula xisaabtami doono heyโ€™adaha hirgelinaya mashaariicdani, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.

—–Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online