๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ฐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ต๐ถ๐ฟ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ
September 13, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay labo mashruuc caafimaad oo kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaas oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada Dalka.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyey, isla markaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda.
โXukuumadda DanQaran waxaa ka goโan inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadkaโ.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabsi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka.
Labadan mashruuc oo ay fulinayso Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar. Waxa uuna Raโiisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay in lagula xisaabtami doono heyโadaha hirgelinaya mashaariicdani, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.
—–Dhamaad—–