Ciidanka Booliska Puntland oo qabtay xubin ka tirsan ISIS/Daacish

September 27, 2023 - Written by Editor

Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawl-gal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Ahmed Huseen Ibraahim oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish, Hawl-galka oo laga fuliyey Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Degmadda Uffeyn ayaa lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan.

Hor-joogaha la qabtay ayaa ku soo aaday xilli Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish kordhiyeen xubnaha Ajenibta ee kaga imanaya dalalka shisheeye si ay uga dhinac dagaalamaan.

Horray Ciidanka Booliska waxay hawl-galo ku dileen kuna qabteen xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo u dhashay dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya, Yemen iyo kuwa u dhashay Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa gacanta ku haya iyagoo oo su’aalo weydiinaya,
Ciidanka Amniga Puntland ayaa xoojiyey hawl-galada lagula dagaalamayo kooxaha Argagaxisada guud ahaan dalka, kuwo badan ayaa xukuno kuriday Maxkamada Ciidamada.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,
Ciidanka Booliska Puntland .

Leave a comment

*

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online