Maamulka Khaatumo State oo shaaciyey xubnaha golaha Fulinta SSC Khaatumo

September 12, 2023 - Written by Editor

Laascaanood.-Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Xeer Lr. 04 oo ku taariikheysan 12 Sebteembar 2023 ku magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qaybta 2aad, Qod. 6aad faqraddiisa 1aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.

Markuu Arkay: Madaxa 2aad, Qod. 7aad Qaab-dhismeedka Maamulka SSC-Khaatumo ee Axdiga.

Markuu Arkay: Madaxa 4aad, Golaha Fulinta, Qod. 13aad ee Waajibaadka Golaha Fulinta

Markuu Arkay: Madaxa 4aad, Golaha Fulinta, Qod. 14aad ee Awoodaha Hoggaamiyaha Golaha Fulinta

Markuu Arkay: Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Maamulka SSC-Khaatumo, Soomaaliya,

Markuu la tashaday: Hoggaamiye Ku Xigeenka Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Tixgeliyay: Baahida loo qabo magacaabidda Xoghayayaasha Xafiisyada Golaha Fulinta oo leh khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay xubnaha hoos ku xusan

1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada

2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah

3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta

4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda

5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka

6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga

8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare

9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska

Xeerkani waxa uu dhaqan-galayaa markai uu saxiixo Hoggaamiyaha, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Comments are closed.

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online