Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray qoysaska iyo ehellada ku geeriyooday qaraxii

September 24, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii arxan-laaweyaasha Khawaarijta ay bartilmaameedsadeen shacabka magaalada Baledweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Quraanka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

——–DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online