Madaxweynaha JFS waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub.

September 18, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

———–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online