Madaxweyne ku xigeenka Puntland tababar usoo xiray in ka badan 300 askari

September 2, 2023 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar usoo xiray in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo dhameystay tababar 3Bilood iyo 15Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in aqoonta ay barteen ugu faa’ideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda.

Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliska Booliska Puntland, Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan Degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo.

—-DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online