Baarlamaanka JFS oo ka hadlay wax ka qabadka fatahaadaha ka jira dalka

November 27, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ka-doodida xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, roobabka ka da’ay gobolada dalka. Kooramka kullanka maanta oo ahaa 143 Mudane ayaa waxay xildhibaannada si weyn uga hadleen, degaan doorashadooda, iyagoona Golaha hortooda ka sheegay in hay’adaha ku shaqada leh arrimaha samafalka ku dadaalaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa. Waxay na soo jeediyeen in muhiimada koowaad la siiyo badbaadinta shacabka isla-markaana lagaarsiiyo adeegyada asaasiga ee deg dega ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta arbacada la isku soo laabto si loo sii amba qaado soo jeedinta xildhibaanada si go’aan looga soo saaro.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
November 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online