Baarlamaanka Puntland oo ku baaqay in tashi la galiyo xeerka doorashooyinka Puntland

November 26, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto.

Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hasse yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Xildhibaannada la wadaagay in wax-ka-bedelka xeerka la gelinayo la tashi guud.

Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda haddii EEBBE idmo.

——DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
November 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online