Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad

November 5, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ugu horeyn, waxaa xubnaha Golaha Wakiillada loo qeybiyey warbixinta Miisaaniyadda sannadka 2024, si waafaqsan qodobka 136-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, waxaana la marin doonaa habraaca sharci ee ku cad Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Miisaaniyada Dawladda ee Sannadka 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 3% (Boqolkiib seddex) marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Golaha Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2024-ka, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2024-ka kuna eg December 31, 2024 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu dambeyntii, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey Hindise Xeereedka Cashuuraha Beriga oo ay xukuumaddu usoo gudbisey Golaha Wakiillada, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada DPL ah si ay akhrinta labaad ugu soo sameeyaan Golahana ugu soo gudbiyaan wax-ka-bedelka ay ku sameeyaan Hindise Xeereedka Cashuuraha Beriga , waxayna Guddigu warbixinta wax-ka-bedelka Hindise Xeereedka golaha dib ugu soo celin doonaan Maalinta Sabtida oo tariikhdu ku beegan tahay 11 November ,2023 haddii Alle idmo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
November 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online