Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay Shirka Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC)

November 24, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

——-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
November 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online