Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

November 11, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
November 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online