Ciidamada DFS oo si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada.

December 17, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee AMISOM ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

——–DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online