Furitaanka Masjidka Al Tawxiid Ee Copenhagen iyo Muxaadaraadkii Culumada ka jeediyeen(Masawiro+Vedio)

December 24, 2023 - Written by Editor

Waxaa si rasmi ah loo furay Masjidka Al Tawxiid ee magaalada Copenhagen ee dalka Denmark waxaana alle mahadsiisa la furay Markazka Cusub ee Al Tawxiid ee magaalada Copenhagen.

Culumada iyo waxagardka magaalada Copenhagen ayaa dadaal dheer ku bixiyey in la helo Markaz kii hore ka weyn ka dib markii Markazkii hore Al Tawxiid ay u baahdeen qoladii guriga lahayd.

Markazka Cusub ee Masjidka Al Tawxiid ayaa ka weyn hore kii hore loogu jiray waana guulweyn oo u soo hoyatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan denmarka gaar ahaan magaalada Copenhagen oo marwalba safka hore kaga jira kheyrka .
Xaflada furitaanka Masjidka Al Tawxiid waxaa ka soo qeyb gali doona inshalaah culumada kala ah.
1- Sheekh Dr Caraxmaan Sheekh Cumar
2-Sheekh Dr Mohamed Sheekh Cismaan
3-Sheekh Dr Sheekh Maxamuud Shible
4-Sheekh Dr Cismaan A. Farah
5-Sheekh Mohamed Daahir
6-Sheekh Ahmed Yare.
Xaflada Furitaanka ee Masjidka Al Tawxiid ayaa waxaa kalimad Furtiaanka ka jeediyey Gudoomiyaha Masjidka Al Tawxiid Jaamac Cawil isaga oo ka warbixyey xaalada uu soo maray Masjidka Al Tawxiid iyo guulaha ay gaareen isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Copenhagen inay garbaha is qabsadaan una guntadaan sida ay Masjidka Al tawxiid garab siin lahaayeen .
Gudoomiyaha Masjidka Jamac ayaa Makarafoonka ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Maaliyada Masjidka Al Tawxiid Sheekh Clahi Macalin Xasan wuxuuna Sheekh Claahi ka warbixiyey dhaqaalada Masjidka lagu dhisay iyo dhaqaalada guud ee Masjidka looga baahan yahay. Intaas ka dib ayaa waxaa bilaawday yabooha iyo Ururuurinta lacagta Masjidka iyada oo dadweynihii soo camiray Furitaanka Masjidka Al Tawxiid ay yaboohee lacago kala duwan .Culumada ayaa u duceysay dhamaan dadweynihii lacagaha sadaqeystay .

Hoos ka Daawo Dhamaan Muxaadraadkii laga jeediyey Furitaanka Masjidka Al Tawxiid 1- Xaflada Furitaan Masjidka Al Tawxiid ee Copenhagen 2-Xaflada Furitaanka Masjidka Al Tawxiid 2 Sheekh Maxamed Daahir 3-Shaqankii Nabi Maxamed CSW Sheekh Maxamed Daahir. 4-Xakiim Luqmaan Sheekh Dr Cismaan 5-Dardaaran Dhalinyarada Sheekh Horseed Nuux

Barakalahu feekum
Masjidka Al Tawxiid
Denmark
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online