Gudoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulan la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka

December 19, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isagoo ka duulaya Heshiiskii Jiheynta Doorashada ee ay gaareen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada wuxuu Guddiga ku soo dhaweeyey Xarunta Golaha Wakiillada, isagoo ku wareejiyey Diiwaanka Galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray Xubnaha Golaha Wakiillada si guddiga ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray Xoghayaha Guud iyo dhammaan hawl-wadeenada Goluhu in ay la shaqeeyaan Guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada.

——-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online