Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Ansixinta Xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

December 12, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD iyo 61-AAD.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2018 kuwaas oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )

2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)

3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )

4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )

5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)

6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)

7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)

8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online