Madaxweynihii hore ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay deyn cafinta Soomaaliya.

December 13, 2023 - Written by Editor

Qadar:-“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee ku aaddan dhammeystirka halganka deyn cafinta Soomaaliya oo maanta uu qiray Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka in la gaaray bar-dhammaadkii dayn cafinta.

Shaqaalaha iyo howl-wadeennada qaranka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan ku bogaadinayaa dhabar-adayga ay muujiyeen muddadii uu socday barnaamijka deyn cafinta, aniga oo ku ammaanaya dhaqaale-yahannada Soomaaliyeed doorka ay ka qaateen in dalkeenna laga cafiyo deymihii caalamiga ahaa.

Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray.

Waxaa kale oo barbar socdey kordhinta dakhliga gudaha, joogtaynta iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada; dhaqan gelinta Sharciga Maamulka Maaliyadda ee dalka (PFM), hagaajinta Sharciga Iibka Qaranka iyo dib u eegista heshiisyo hore loo galay oo aan waafajinnay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dadaalladaas oo aan sanadkii 2020 ku soo gaarnay marxaladda muhiimka ah ee (decision point).

Maadaama dalku uu galayo marxaladda dhammaystirka dayn cafinta, waxaa muhiim ah in si taxadar leh loo wajaho heshiiyada dayn qaadashada cusub oo ah masuuliyad qaran, ayna waajib ku tahay Baarlamaanka in ay si buuxda u kor joogteeyaan, iyadoo lagu saleynayo baahiyaha mashaariicda horumarineed ee dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa waajib ah in la xoojiyo hannaanka loo maamulayo mashaariicda horumarinta kaabeyaasha danta guud si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo u qalma daynta magacooda lagu soo qaadanayo. Hannaanka loo marayo iibka qaranka iyo heshiisyada dhaqaale waa in ay noqdaan kuwa daahfuran oo waafaqsan shuruucdeenna.

Ugu danbeyntii, dalku wuxuu wali ku jiraa marxalad ay nugul yihiin hay’adihiisa, inkastoo guulo laga gaaray dhanka horumarinta maaliyadda. Sidaas darteed, waxaa hortaalla Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dardargeliso mashaariicda horumarineed, si loogu jaangooyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed”.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online